Home Wararka Maanta Sweden oo Canshuurta ka dhimeysa Dadka Shaqeeya iyo kuwa aanan Shaqeyn

Sweden oo Canshuurta ka dhimeysa Dadka Shaqeeya iyo kuwa aanan Shaqeyn

0

Sweden ayaa Canshuurta ka dhimeysa dadka dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah laga bilaabo sanadka cusub bilowgiisa. xisbyada ayaa ku heshiiyay inta lagu guda jiray wadahadalada miisaaniyada sanadka soo socda.

Photo: Claudio Bresciani / TT

”Xisbiga Centerpartietka, muhiim ayey u ahayd inuu keeno canshuur dhimis Waxaa jiri doona canshuur dhimis joogto ah oo gaareysa 3000 karoon sanadkii dadka hawlgabka ah iyo dadka shaqeeya labadaba, ayey tiri hogaamiyaha xisbiga Centerparti Annie Lööf.

Cashuur dhimistu waxay ka kooban yihiin laba qaybood. Mid micnaheedu waa cashuur dhimis lagu sameeyay qofkasta oo dakhli soo galay. Taas macnaheedu waxa weeye in kabadan todobo milyan oo qof ayaa canshuur dhimis lagu sameenayaa mushaharkooda, dadka hawlgabka ama dadka caawinta ka hela nidaamka caymiska ayaa ku jira.

Kharashka sanadka soo socda wuxuu gaarayaa 14.5 bilyan oo karoon oo canshuur dhimis ah taas oo micnaheedu yahay canshuur dhimis dhan 1500 karoon sanadkiiba.

Qaybta labaad ee cashuur dhimista waxaa loogu talagalay oo kaliya kuwa shaqeeya. Waxay gaareysaa shan bilyan inta lagu gudajiro sanadaha 2021 iyo 2022. Tan macnaheedu waxaa weeye in canshuurta laga dhimo bishii.

Nyamko Sabuni oo ka tirsan xisbiga Libaraalka ayaa sheegtay in xisbiyada ay isku raaceen bisha january in loo ogolaado dadka dakhliga ka soo gala shaqada in laga dhimo canshuur balaaran labada sano ee soo socota, marka loo eego kuwa kale:

Wasiirka maaliyadda Magdalena Andersson (S) ayaa iyaduna muujisay sida ay ugu qanacsan tahay heshiiska.

– Waxaan hadda helnay dhimista canshuurta oo waxtar u leh qof kasta oo dakhli soo gala. waana astaan wanaagsan oo i dareensiineysa xurnimo.

Somaliska Stockholm

Tifaftiray/Turjumay Somaliska

Xigasho/radiosverige qeybta Af-swidishka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here