Home Wararka Caalamka Midowga Yurub war kasoo saaray kulankooda Brussels ee Xiisada Turkiga iyo Giriiga...

Midowga Yurub war kasoo saaray kulankooda Brussels ee Xiisada Turkiga iyo Giriiga u dhaxeysa

0

Xubnaha baarlamaanka Yurub waxay qaraar ka soo saareen fadhigii codbixinta ee Brussels oo maanta khamiis ah kaas oo ugu baaqaya Turkiga inuu si deg deg ah u joojiyo wixii hawlo sharci darro iyo sahamin sharci daro ah ee ka socda Bariga Mediterranean.

Go’aamadan ayaa sidoo kale loogu baaqayaa Dalka Turkiga inuu ka waantoobo ku xadgudubka hawada Giriigga iyo biyaha Griiga iyo Qubrus iyo inuu joojiyo “hadalada kulul ee hanjabaada ah.”

Go’aanku wuxuu imanayaa ka hor kulanka Golaha Gaarka ah ee Yurub ee dhacaya 24-25 Sebtember oo ku saabsan howlaha Turkiga ee Bariga Mediterranean, wuxuuna sidoo kale ku boorinayaa cunaqabateynta ka dhanka ah Turkiga ee ku saabsan cilmi baarista tamarta ee biyaha lagu muransan yahay halkaas, ilaa waddanku muujiyo “iskaashi daacad ah iyo horumar la taaban karo” dejinta xiisadaha Giriigga iyo Qubrus.

Dowladaha Midowga Yurub waa inay “diyaar u ahaadaan tallaabooyin dheeraad ah oo xaddidaad ah iyadoo aysan jirin wax horumar ah oo muhiim ah oo lala yeelanayo Turkiga,” ayuu yiri baarlamaanka Midowga Yurub, isagoo intaas ku daray “in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay noqdaan kuwo qeyb ahaan loo bartilmaameedsado.”

Go’aankii khamiistii waxaa ansixiyay lix ka mid ah toddobada urur siyaasadeed ee baarlamaanka Midowga Yurub, laga soo bilaabo dimuqraadiga ,midigta dhexe, muxaafidka iyo isbadal doonka ilaa garabka bidix  iyo shuuciyadii hore.

Turkiga ayaa ka falceliyey qaraarkii EP isagoo leh “waa wax aan la aqbali karin.

Turjumay Somaliska – Xigasho/keeptalkinggreece

Somaliska Athens

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here