Home Wararka Caalamka Mareykanka oo soo saaray amar lagu mamnuucayo Tik Tok, iyo WeChat

Mareykanka oo soo saaray amar lagu mamnuucayo Tik Tok, iyo WeChat

0

Maamulka Trump wuxuu soo saaray amarro si aad ah u xaddidaya howlaha barnaamijyada  warbaahinta bulshada ee Shiinaha ee. Soo degsashada barnaamijyada ayaa la mamnuuci doonaa laga bilaabo Axadda bari ah. Tik Tok wuxuu leeyahay in ka badan 100 milyan oo isticmaale gudaha Mareykan ah.

Mareykanku wuxuu ku andacoonayaa in shirkadaha caanka ah ee warbaahinta bulshada ay la wadaagayaan xogta isticmaaleyaasha adeegyada sirdoonka Shiinaha, waxayna soo bandhigeen hanjabaad “amniga qaranka, siyaasadda arrimaha dibadda, iyo dhaqaalaha” ee Mareykanka.

Sida laga soo xigtay shirkadda, Mareykanka waa mid ka mid ah suuqyada ugu muhiimsan Tik Tok, iyada oo in ka badan 100 milyan ay isticmaalaan bil kasta.

Masuuliyiintu kuma qasbi doonaan isticmaaleyaasha Mareykanka ee hadda isticmaala TikTok ama WeChat inay joojiyaan adeegsiga barnaamijyada, si kastaba ha noqotee, looma oggolaan doono inay cusbooneysiiyaan.

Shirkadaha waaweyn ee teknoolojiyadda Mareykanka ee Google ama Apple looma diidi doono inay TikTok ama WeChat siiyaan macaamiisha ka baxsan Mareykanka.

Adeegyada lacag bixinta ee WeChat ayaa laga hor istaagi doonaa ka shaqeynta lacag bixinta gudaha Mareykanka.

Turjumay Somaliska xigasho/DW

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here