Home Wararka Maanta London:- Weerar loo adeegsaday toorey laguna dhaawacay todobo Qof oo ka dhacay...

London:- Weerar loo adeegsaday toorey laguna dhaawacay todobo Qof oo ka dhacay Magaalada Birmingham

0

Hal qof ayaa ku dhintay 7 kalena waa lagu dhaawacay toorey xilli dambe oo habeenimadii xalay goob mashquul badan oo habeenkii lagu caweeyo oo ku taal bartamaha Birmingham, booliska ayaa sheegay sidaasi.

Booliska ayaa sidoo sheegay in ay baadi goobayaan qof looga shakisan yahay in uu ka danbeeyay weerarkaasi kadiska ku dhacay.

Taliyaha Guud Steve Graham oo ka tirsan booliska West Midlands ayaa sheegay in dambi baarayaashu ay wali baarayaan ujeedada laakiin waxa uu sheegay in weeraraka uusan xiriir la laheyn argagixiso.

Photo (Jacob King/PA via AP)

Graham wuxuu sheegay in laba ka mid ah toddobada qof ee dhaawacmay, nin iyo haweeney, ay ku jiraan xaalad halis ah Shanta kalena ay soo gaadheen dhaawacyo yara fudud”.

Tirakoob rasmi ah ayaa muujinaya in dambiyada mindida loo adeegsado inay ku sii kordhayaan dalka Ingiriiska  in kasta oo tirada dilalka mindida ay hoos u dhacday sannadka 2019-kii wixii ka horreeyay.

Somaliska London

Tifaftiray Somaliska

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here