Home Wararka Maanta Koonfurta Ingariiska oo laga dareemay Dhulgariir gaaraya 3.3

Koonfurta Ingariiska oo laga dareemay Dhulgariir gaaraya 3.3

0

Dhul gariir ayaa ku dhuftay qaybo ka mid ah Boqortooyada Ingiriiska ka dib markii uu saaka ka dhacay koonfurta dalka.

Photo/BGS

Dad badan ayaa soo sheegaya in ay ruxmeen dhismayaal dhul gariirka kadib kaas oo cabirkiisu ahaa 3.3 abbaare 9.45am.

Warbaahinta CoventryLive ayaa xiriir la sameysay British Geological Survey (BGS) oo hada baaraya dhacdadan waxayna sheegeen in dhul gariirku ahaa 10km si qoto dheer.

Ma jiraan wax warbixino ah oo sheegaya qasaaraha ka dhashay dhul gariirka oo laga dareemay guud ahaan Gobolada Bedfordshire, Buckinghamshire Milton Keynes, Aylesbury, Leighton Buzzard iyo Dunstable.

Dadku waxay kaga hadleen baraha bulshada saaka kadib dhul gariirkii, oo sida ay sheegtay BGS, uu ka dhacay Leighton Buzzard, Buckinghamshire.

Afhayeen u hadlay BGS ayaa goor dambe xaqiijiyay in dhulgariirku uu cabirkiisu ahaa 3.3 wuxuuna udub dhexaad u ahaa Leighton Buzzard.

Somaliska London

Tifaftiray Somaliska

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here