Home Wararka Caalamka Dowlada Mareykanka oo in ka badan 1,000 Fiiso ka joojisay Muwaadiniin Shiinaha...

Dowlada Mareykanka oo in ka badan 1,000 Fiiso ka joojisay Muwaadiniin Shiinaha u dhalatay ( Xiisad u dhaxeysa Labada Dal)

0

Mareykanka ayaa dib ugala noqday fiisooyinka in ka badan 1000 muwaadin oo Shiine ah sida ku cad bayaankii madaxweynaha ee 29-kii May si loo joojiyo soo gelitaanka Shiinaha ee ardayda iyo cilmi baarayaasha oo loo arko inay qatar ku yihiin amniga, afhayeenad u hadashay Waaxda Arimaha Dibada ayaa tiri Arbacadii shalay.

Photo/Reuters

Ku-simaha madaxa Waaxda Amniga Gudaha ee Mareykanka, Chad Wolf, wuxuu mar sii horreysay sheegay in Washington ay xayirayso fiisooyinka “ardayda Shiinaha ee qalin-jabisay iyo cilmi-baarayaasha xiriirka la leh istiraatiijiyadda isku-dhafka milatariga Shiinaha si looga hortago inay wax xadaan oo haddii kale loo qoondeeyo cilmi-baaris xasaasi ah.”

Afhayeenad uhadashay wasaarada arimaha dibada ayaa sheegtay in talaabada fiisaha lagu qaaday uu ku dhawaaq madaxweyne Donald Trump 29-kii May taas oo qayb ka ah jawaabta Maraykanka ee xakamaynta Shiinaha.

“Laga bilaabo Sebtember 8, 2020, Waaxdu waxay laashay in ka badan 1,000 fiisooyin oo muwaadiniin shiinaha ah leeyihiin.

Shiinaha ayaa sheegay bishii Juun inay si adag uga soo horjeedaan tallaabo kasta oo Mareykanku ku doonayo in ardayda Shiinaha looga xaddido inay wax ka bartaan Mareykanka waxayna ku boorisay Washington inay wax badan ka qabato isdhaafsiga iyo isfahamka labada dhinac.

Toddobaadkii hore, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Hua Chunying waxay ku dhaleeceysay Mareykanka inuu si ula kac ah u been abuurtay been aan la tirin karin, oo uu cunsuriyad ku hayo ardayda Shiinaha ee wax ka barta dibadda.

In ka badan 360,000 oo muwaadiniin Shiine ah ayaa wax ku barta Maraykanka.

Somaliska USA

Tifaftiray/Turjumay Somaliska

Xigasho/Reuters

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here