Home Wararka Caalamka Trump iyo Biden oo doodii ugu horeesay ee Doorashada dhexmartay Xalay

Trump iyo Biden oo doodii ugu horeesay ee Doorashada dhexmartay Xalay

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo ninka la tartamaya ee Joe Biden, ayaa fagaaraha Cleveland, Ohio, loogu qabtay habeenimadii Talaadada doodoodii ugu horreysay ee tartanka madaxtinimada ee 2020.

Photo/AFP

Dhexdhexaadiyaha doodaha iyo barnaamishka Fox News wariye Chris Wallace ayaa furay doodda isagoo weydiiyay Trump inuu sharraxaad ka bixiyo Magacaabistiisa Maxkamadda Sare xilli aad loogu dhow doorashada Nofeembar.

Trump, oo u doortay garsoore Amy Coney Barrett oo ah garsooraha federaalka ah ee maxkamada sare inuu badalo  Ruth Bader Ginsburg, wuxuu sheegay inuu xaq u leeyahay magacaabida maxaa yeelay Jamhuuriyeyaashu waxay xukumaan Senate-ka iyo Aqalka Cad labadaba.

“Waxaan si fudud kuugu sheegayaa, waan ku guuleysanay doorashada. Doorashooyinku waxay leeyihiin cawaaqib,” ayuu yiri madaxweynaha. “Waxaan leenahay Golaha Guurtida, waxaan leenahay Aqalka Cad waxaanan leenahay magacaabis heer sare ah oo ay ixtiraamaan dhammaan xubnaha ugu sareysa dhan walba.

Biden wuxuu ku dooday “ma ahan wax ku habboon in sidan la sameeyo doorashadan ka hor,” isagoo intaa ku daray in dadka Mareykanka ay tahay inay “xaq u leeyihiin inay yiraahdaan (Haa) howsha.

Musharrixiinta ayaa sidoo kale si ba’an isku khilaafey daryeelka caafimaadka, maareynta maamulka ee masiibada COVID-19, iyo dhaqaalaha.

Inta dooda ay socotay waxay ku murmeen dooda dhexdeeda Madama Trump uu diiday in uu aamuso ama waqti siiyo Biden.

Somaliska USA Xigasho/Shine

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here