Home Wararka Maanta Haweenka Uurka leh oo helaya Daryeel Caafimaad oo Feecan

Haweenka Uurka leh oo helaya Daryeel Caafimaad oo Feecan

0
Foto: Jessica Gow / SCANPIX

Daryeelka caafimaad ayaa fiicnaan doona caawinta gaar ahaan haweenka ku dhow inay carruur dhalaan. 250,000 oo haween ah ayaa hada awoodi doona inay ka jawaabaan su’aalaha ku saabsan daryeelka.

Photo/TT

Hay’ada SKR, dowladaha hoose iyo gobolada Iswiidhan ayaa
baaritaankan wada iskaga kaashanaya.

”Haweenku way sheegi karaan waxa ay ka qabaan daryeelka
kahor iyo kadib markay umulayaan. Taasi waa waxa Eva Estling ay oo ka tirsan SKR ay sheegtay.

Waagii hore, haweenka waxaa loo oggolaan jiray inay qiimeeyaan daryeelka isla markiiba markay umulaan.

”Laakiin haddana qaar badani waxay ku faraxsan yihiin inay badbaadeen oo ay heleen ilmo caafimaad qaba,
ayay tidhi Eva Estling.

– Waxa laga yaabaa inay dareemaan inaanay helin daryeel
iyo caawimaad intii ay u baahnaayeen, ayay tidhi Eva Estling.

Waxay rajeyneysaa in qaar badani ka jawaabi doonaan su’aalaha oo la filayo in lasoo bandhigo si ay loo hagaajiyo caafimaadkooda.

– Waxaan rajaynayaa in haweenku ku dhiiradaan inay sheegaan waxay u malaynayaan. Waa muhiim in daryeelka
uu ka fiicnaado sidii hore, ayay tiri Eva Estling.

Sahanku wuxuu bilaabmayaa dayrta wuxuuna socon doonaa laba sano.

Somaliska Stokcholm Xigsaho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here