Home Wararka Maanta Erna Solberg ” Norway Xadkeeda uma fureyso Dalka Sweden iyo Wadamada kale...

Erna Solberg ” Norway Xadkeeda uma fureyso Dalka Sweden iyo Wadamada kale ee Scandinavia

0

Raiisel wasaaraha Norway Erna Solberg ayaa u sheegtay dhigeeda Sweden Stefan Löfven in Norway aysan si buuxda u furi doonin soohdinta ay la leedahay deriska Scandinavia.

Solberg ayaa cadeysay mowqifka Norway intii lagu guda jiray kulan fiidiyow ah oo ay yeesheen labada hogaamiye ee dowladaha Waqooyiga Yurub Isniintii, sida ay qortay wakaalada wararka ee NTB.

“Way cadahay in Iswiidhishku ay jeclaan lahaayeen inaan noqono kuwa xorta ka ah su’aasha xuduudaha” ayay Solberg u sheegtay NTB.

“Laakiin waxaan leenahay nidaam aan isku habeynay, waana sii wadaynaa taas,” ayay raacisay.

Ka dib markii ay xirtay xuduudaheeda bilowgii masiibada, Norway waxay xayiraada safarka ka qaaday inta badan wadamada EEA iyo Schengen bishii July 15-keedii, laakiin cudurada ku sii kordhaya Yurub waxay keeneen in tartiib tartiib loo adkeeyo  sharciyada.

Dadka ka imanaya inta badan wadamada yurub ayaa hada looga baahan yahay inay galaan 10 maalmood oo karantiil ah markay yimaadaan Norway.

Somaliska Oslo Xigasho/Thelocal

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here