Home Wararka Maanta Bilowga Sanadkan 20 kun oo Qof oo laga ceshtay Kaarka Wadista Gawaarida...

Bilowga Sanadkan 20 kun oo Qof oo laga ceshtay Kaarka Wadista Gawaarida (Körkort)

0

Intii lagu gudajiray qeybtii hore ee sanadka 2020, 20,303 liisanka wadista gawaarida ayaa wakaaladda gaadiidka ee Sweden kala noqotay Dadka ku nool wadanka Sweden waana koror ka badan boqolkiiba 10% marka loo barbar dhigo isla muddadaas 2019.

Tirada sii kordheysa ee shatiyada wadista gawaarida ee lagala noqday sedexdii sano ee la soo dhaafay ayaa inta badan waxaa sabab u ah booliska oo joojiya dad badan oo dambiyo kala duwan oo taraafikada ah sameehah, sida uu sheegay Mikael Andersson, maareeyaha saxaafada ee wakaaladda gaadiidka Iswiidhan.

4 ka mid ah 5 tiiba shatiyada wadista ee lagala noqday Shacabka ayaa ah rag taasi oo muujineysa in raga ka badanyihiin dumarka.

Dalka Sweden ayaa kamid ah wadamada ay aadka u adag tahay helitaanka Kaarka lagu wado gawaarida iyadoo lacag badan uga baxdo qof doonaya in uu qaato.

Somaliska Stockholm xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here