Home News in English Maxaa ku soo kordhay Sharciga isku keenista Qoysaska iyo Midka ku meelgaarka...

Maxaa ku soo kordhay Sharciga isku keenista Qoysaska iyo Midka ku meelgaarka ee laanta Socdaalka Sweden

0

Gudiga Socdaalka Sweden ayaa maanta lagu wareejiyay kadib sanad ay shaqeynayeen Dowlada iyo Wasiirka Socdaalka Morgan Johansson (S). Waxyaabaha kale waxaa ka mid ah, in la soo jeediyo in sharciga deggenaanshaha ku meelgaarka ah lagu dabaqo kuwa magangelyada ka raadinaya Iswiidhan.

Ruuxii doonaya inuu halkan keeno ehelkiisa waa inuu awood u yeeshaa inuu taageero. Lakin 20-ka bisha 7-aad ee sanadka soo socda ayaa la diyaarin doonaa sharci cusub oo ku saabsan socdaalka Madama midka hada uu dhacayo Sharciga Cusub ayaana wali leesku raacin waxana jiri Qorshayaal Cusub oo lasoo bandhigay.

– Waa iska cadahay inaan wadahadal la yeelan doonno dowladda oo ku saabsan sida aan u maareyn lahayn diyaarinta Sharciga. Dabcan, uma tagi karno baarlamaanka talo aan la soo gudbin lana soo diyaarin, ayuu yiri Morgan Johansson.

Sida laga soo xigtay wasiirka socdaalka, hada waxaa jiri doona wadahadalo dowladeed oo ku saabsan in dhamaan ama kaliya qeyb ka mid ah baaritaanka loo gudbin doono la tashi. Xisbiyada Sooshal dimuqraadiga iyo Miljöpartiet, oo si weyn ugu kala aragti duwan arrimaha badankood.

Guddiga socdaalka ayaa maanta u soo gudbiyay soo jeedintooda baaris ka kooban 685 bog. Baadhitaanku wuxuu ka hadlay liis dheer oo arrimo kala duwan ah oo dhinacyo kala duwan ah, laakiin guddoomiye Thomas Rolén wuxuu sharraxay in wax badan la kala saaray oo ay weli jiraan 26 qaybood oo u dhigma wixii ay dawladdu amartay.

Xisbiga Miljöpartiet ayaa horey u sheegay in dooda noocaas ah la qabto hadana wasiirka cadaalada Morgan Johansson ayaa cadeeyay inuu dhici doono.

– Marka hore qiimeyn ayaan ku sameyn doonnaa soo jeedimahan, laakiin waxaan arkaa in baarlamaanka uu ku leeyahay taageero taas oo noo ah bilow wanaagsan, ayuu yiri Morgan Johansson.

Dawladd ayaa markaasi u qoreysa tixraac Golaha Sharciga ka dib ayay u gudbineysaa baarlamaanka. Go’aakana waa in la gaadhaa ugu dambayn gu’gan, maxaa yeelay bisha Luulyo 20, sharci cusub oo socdaalka ayaa la diyaarin doonaa.

Waxyaabaha la soo jeediyay waxaa ka mid ah sharci deganaansho ku meel gaar ah oo la siiyo qaxootiga, shuruudaha khuseeya mideynta qoysaska iyo shuruudaha luuqada in lasii wado.

Waxaa jira Qorshe kale oo ah in Sharciga Ku meelgaarka meesha laga saaro oo qofka hela Sharciga la siiyo Deganaansho rasmi ah lakin Sharuudaha Qoysaska ayaa noqonaya mid sii jiri kara madama Xisbiyada ay badi isku raacsanyihiin.

Sanadka danbe ayaa lasoo bandhigidoonaa wixii lagu heshiiyo.

– Hawshaydu waxay tahay inaan heshiis ka gaarno siyaasadda qaxootiga ee aadanaha. Haatanna wadahadal ayaa socda, waa muhiim, ayay tiri Annika Hirvonen, afhayeenka siyaasada socdaalka ee xisbiga Miljöpartiet.

Somaliska Stockholm

Turjumay Somaliska

Xigasho/radiosverige qeybta Afka-swidhishka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here