Home Wararka Maanta Sweden oo joojisay Xayiraadaha saran Booqashada goobaha Waayeelka lagu hayo

Sweden oo joojisay Xayiraadaha saran Booqashada goobaha Waayeelka lagu hayo

0

Amarka xakamaynta ee muranka dhaliyay ee ku saabsan guryaha dadka waayeelka ah, oo jiray tan iyo 1 Abriil, wuxuu dhacayaa bilowga bisha. Tani waxaa ku dhawaaqday wasiirka arrimaha bulshada Lena Hallengren (S) intii ay ku guda jirtay shir jaraa’id maanta.

Photo: Jessica Gow/TT

Dawladdu ayaa qiimayn ku samaynaysa in faafitaanka Cudurka ee bulshada ee hoos u dhacay iyo tallaabooyinka horeyba looga qaaday daryeelka waayeelka oo ay weheliso xeerar cusub iyo talooyin dawladeed oo la macno ah in amarka xakamaynta la qaadi karo.

Agaasimaha guud ee Maamulka Caafimaadka iyo Daryeelka Olivia Wigzell ayaa sheegtay in hey’adda loo xilsaaray inay falanqeyso amarka xannibaada, ka dibna ay miisaameyso faa iidooyinka iyo qasaaraha uu midba midka kale leeyahay. Dad badan oo da ‘ah ayaa waxyeelo ka soo gaadhay mamnuucista.

– Waxaan sameynay qiimeyn guud, ayay tiri, waxayna sharraxday in amarka xakamaynta laga saari karo hadda.

– Faafitaanka infekshanku wuu yaryahay hadda, waxaana sidoo kale jira nadaafad wanaagsan iyo fursado lagu baaro guryaha.

– Laakiin halistu ma dhammaan. Mas’uuliyad weyn ayaa saaran martida, sida loo noolaado iyo sida loola dhaqmo, ayay tiri Olivia Wigzell.

Waxay kaloo sheegtay in hey’addu ay tilmaamo u diri doonto degmooyinka dalka iyo guryaha lagu xanaaneeyo dadka waayeelka ah.

Warbixinta ay u gudbisay dowlada, guddiga qaran ee caafimaadka iyo samafalka waxay soo saartay xeerar u dhigan booqashooyinka taasi oo dhigeysa wixii ka danbeeya bisha danbe la booqan karo goobaha Waayeelka.

Somaliska Stockholm

Turjumay Somaliska

Xigasho Radio sverige qeybta Afka-swidhishka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here