Home News in English Norway oo kordhisay Lacagta dhalmada Hooyooyinka kana dhigtay (90,300 Nok)

Norway oo kordhisay Lacagta dhalmada Hooyooyinka kana dhigtay (90,300 Nok)

0

Xukuumadda Solberg waxay soo bandhigi doontaa miisaaniyadda gobolka ee 2021 markay tahay 7 Oktoobar. Hada hogaamiyaha KrF ahna wasiirka caruurta iyo qoysaska Kjell Ingolf Ropstad ayaa sheegay in la kordhiyay lacagta dhalmada ee Hooyooyinka.

Miisaaniyadda gobolka ee sanadka soo socda, dowladdu waxay soo jeedisay in la kordhiyo faa’iidada hal mar oo ahayd 84,720 lana gaarsiiyo 90,300 koron. Kordhinta waxay bilaabaneysaa bisha January.

– Waxaa jira qoysas badan oo aan lahayn xuquuq shaqo oo ku saabsan gunooyinka waalidka, kuwa loo kordhinayo waa qoysaska liita. Farqiga weyn ee u dhexeeya waalidiinta xagga shaqada iyo kuwa kale waa wax aan la aqbali karin. Sidaa darteed, KrF waxay si adag uga shaqaysay sidii loo kordhin lahaa taageeradan waqti ka dib. Waa muhiim in la abuuro qaab xasiloon oo maaliyadeed oo ku xeeran qoysaska leh carruurta yaryar, ayuu yidhi Ropstad.

Haweenka oo dhami mahelaan dakhli mushahar markay hooyooyin noqdaan, midna waa inuu dakhli soo galay lix kamid ah tobankii bilood ee ugu dambeeyay kahor dhalashada si loo helo dheefaha waalidka muddada fasaxa.

Khudbaddiisa uu u jeediyay guddiga qaranka, ayuu Ropstad ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in KrF ay heshay oggolaanshaha kordhinta sanadka soo socda:

– Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2021, waxaan ku bixineynaa 70 milyan NOK kordhinta gargaarka si marka laga bilaabo 1da January aad u heshaan 90,300 NOK.

Tirokoobyada Wasaaradda Carruurta iyo Arrimaha Qoyska ayaa muujinaya, in lacagta hal mar la bixiyo ay ka badan tahay labanlaab tan iyo 2013.

2013: 35,263

2014: 38,750

2015: 44,190

2016: 46,000

2017: 61,120

2018: 63,140

2019: 83,140

2020: 84,720

2021: 90,300.

Somaliska Oslo

Tifaftiray/Turjumay Somaliska

Xigasho/Vårtland

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here