Home Wararka Caalamka Giriiga oo ka baqaya in Yurub uga baxaan hadii uu dagaal bilowdo...

Giriiga oo ka baqaya in Yurub uga baxaan hadii uu dagaal bilowdo iyo Faransiiska oo diyaar u aheyn Dagaalka Turkiga

0

Dowlada Faransiiska ayaa dagaalka adag oo dhanka siyaasada ah kula jirta wadanka Turkiga waxana warbaahinta qoreysaa in Faransiiska uusan ka bixi karin dagaal toos ah uu la galo wadanka Turkiga madama awood ahaan isla midyihiin kana baqayo in dhaqaalihiisa uu ku burburo.

Dhanka Dowlada Giriiga ayaa dhankeeda warbaahinta gudaha u sheegtay in xiligan aysan dagaal diyaar u aheyn madama wadamada Yurub aysan dagaalka uga baxayaan marka uu bilowdo xataa dhaqaalo ahaan madama ciidan ahaan aysan awoodin.

Wasiirka Difaaca Turkiga Hulusi Akar ayaa sheegay Axada maanta in ku soo laabashada markabkii cilmi baarista ee Oruc Reis meel u dhow xeebaha koonfureed ee dalka aysan ka dhigneyn in Ankara ay ka quusatay xuquuqdeeda bariga Mediterranean.

Isaga oo la hadlaya wakaaladda wararka ee Anadolu ee dowladda, Akar wuxuu sheegay in soo celinta markabka ay qeyb ka tahay howlaha loo qorsheeyay.

Oruc Reis ayaa Axad maanta ku laabtay biyaha u dhow gobolka koonfurta ku yaal ee Antalya, xogta Refinitiv ayaa muujisay, talaabo Giriiggu ku sheegay inay tahay talaabadii ugu horeysay ee wanaagsan ee lagu qaboojinayo xiisadaha ka taagan kheyraadka dabiiciga ah ee badda.

Somaliska Athens

Tifaftiray/Turjumay Somaliska

Xigasho/Yeni Safak

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here