Home News in English Xaafada Rinkeby oo lagu gubay Quraanka iyo Booliska Sweden oo diiday banaan-baxa...

Xaafada Rinkeby oo lagu gubay Quraanka iyo Booliska Sweden oo diiday banaan-baxa kooxda Cunsuriyiinta

0

Booliska ayaa go aansaday in ay diidaan dalabka ogolaanshaha mudaharaadka ay dhigi lahaayeen koox cunsuriyiin ah oo doonayay in ay gubaan Quraanka Kariimka.

Photo/ Janerik Henriksson / TT

Carolina Paasikivi waa kuxigeenka madaxa shaqaalaha booliska Stockholm waxana uu sheegay

– amniga ayaa khatar ku jira waqtigan, illaa heer aan go’aansanay inaan diidno dalabka. Qaybta labaad waxay tahay, in aanaan ogoleen isku imaatinka in ka badan 50 qof sida uu dhigayo sharciga”

xisbiga xagjirka ah ee garabka midig ee Stram Kurs  kana dhisan Dalka Denmark ayaa codsaday in lagu gubo Quraanka kariimka xaafado dhowr ah oo ku yaal Stockholm. subaxnimadii hore ee saaka ayaana xaafada -Rinkeby waxaa lagu gubay Quraanka kariimka lakin waxa uu ahaa mid qarsoodi ah taasi oo booliska ay ku wadaan baaritan.

Marka laga yimaado diidmada kala duwan , Maamulka Booliska, oo ay weheliyaan dawladaha hoose, waxay u diyaar garoobeen xaqiiqda ah inay weli rabshado dhici karaan.

– Si kastaba ha noqotee, waxaa laga yaabaa inay rabshado dhacaan, xitaa haddii aan la muujin. Sababtaas awgeed, waxaan horeyba usbuucii hore uga bilownay magaalada Stockholm wadashaqeyn ballaaran oo lala yeelanayo degmooyinka,  ururada, kaniisadaha iyo qeybaha kale ee saameeynta ku leh bulshada xaafadda, ayay tiri Carolina Paasikivi.

Somaliska Stockholm

Tifaftiray/Turjumay Somaliska

Xigasho/Radiosverige qeybta Swedhishka

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here