Home News in English Norway oo Shaacisay Xiliga ay bilaabeyso bixinta Kaarka Aqoonsiga oo 13 sano...

Norway oo Shaacisay Xiliga ay bilaabeyso bixinta Kaarka Aqoonsiga oo 13 sano la sugayay

0

Dib udhacyo dhowr ah kadib sanadihii la soo dhaafay, booliska ayaa hada balan qaadaya in kaararka aqoonsiga ugu dambeyn la bilaabidoono bisha November

Foto: Heiko Junge / NTB scanpix // Politiet

”Dib u dhac ayaa ku yimid shaqada mashruuca baasaboorka iyo Aqoonsiga, laakiin qorshuhu weli waa in sanadkan cusub la bilaabo baasaboorro iyo kaararka aqoonsiga. Tani waa talaabo mudnaan sare siineysa booliska, ayuu yiri Kaaliyaha Agaasimaha HÃ¥kon Skulstad.

Skulstad ayaa u sheegay TV 2 in kaarka aqoonsiga qaranka la qorsheeyay inuu yimaado bisha Nofeembar, iyadoo la raacayo in coronavirus-ku uu horseedi karo dib u dhac hor leh.

”Wuxuu ka caawinayaa ka hortagga dambiilayaasha inay si khaldan u adeegsadaan Aqoonsiga si ay u galaan dambiyo culus sida dambiyada la xiriira shaqada, tahriibinta dadka, khiyaanada iyo argagixisanimada, ayuu yiri Skulstad.

Sidaa darteed kaarka Aqoonsigu waa inuu ahaadaa cabbirka kaarka bangiga, kana fudud Basaboorka marka la qaadanayo.

Isla waqtiga ay Norwey soo bandhigeyso kaararka aqoonsiga cusub, ayaa sidoo kale la bilaabayaa baasabooro cusub.

”Baasaboorro cusub iyo kaararka aqoonsiga qaranka ayaa laga wada hirgelin doonaa dalka oo dhan isla mar ahaantaana. Sida qorshuhu yahay, baasaboorro cusub ayaa imaan doona bisha Oktoobar iyo kaarka aqoonsiga qaranka bisha Nofeembar, ayuu yiri Skulstad.

Ugu danbeyn Dowlada ayaa sheegtay in Dadka heesta Basaboorka hore ay heesanayaan kooda ilaa uu ka dhacayo.

Somaliska Oslo

Turjumay Somaliska

Source/TV2

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here