Home Wararka Maanta Norway ” yaanan laga soo adeegan wadanka Sweden ”

Norway ” yaanan laga soo adeegan wadanka Sweden ”

0
Wasiirka cadaalada Norwey Monica Mæland oo shir jaraaid qabatay ayaa ka codsatey dadka noorwiijiga ah inay guryahooda iska joogaan oo aysan u gudbin xadka si ay uga dukaameystaan ​​hada maadaama laga saaray sharuudaha karantiilka.

– dadka waa in ay ka fogaadaan safarada dibada Tani waxay sidoo kale khuseysaa u safridda xadka sweden si aad wax uga soo iibsato ayay tiri wasiirka cadaaladda Monica Mæland, sida uu qoray NRK.

inkastoo Gobolka  Värmland mid wanaagsan marka la eego xaalada Corona hadana Monica Mæland waxay aaminsan tahay in aysan ammaan ku ahayn in dadka norwiijiga ah ay ka gudbaan xadka.

– ma jiro goob amaan ah oo xaalad wanaagsan laga soo sheegayo welina waxaa jira halista infekshinka Iswiidhan. Taas macnaheedu waxa weeye haddii aad safreyso, waa inaad si taxaddar leh uga fikirtaa halista aad qaadanaysid, ayay tiri.

Foto: Jonas Dagson / TT

Xadka Norway iyo Sweden ayaa furan lakin dowlada Norway ayaa wali ka digeysa halista Corona madama Gobolada qaar lagu arkay kiisas cusub.

Xigasho/NRK

Tifaftiray Somaliska

Somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here