Home Wararka Maanta Rasmus Paludan iyo Kooxdiisa oo Qorsheenaya in Quraanka Kariimka ay ku gubaan...

Rasmus Paludan iyo Kooxdiisa oo Qorsheenaya in Quraanka Kariimka ay ku gubaan Caasimada Stockholm (Maalinta Sabtida)

0

Sida ay ku waramayaan warbaahinta gudaha siyaasiga Rasmus Paludan oo ku caanbaxay islaam naceybka ayaa qorsheenaya in markale uu rabshado ka sameeyo Sweden gaar ahaan Caasimada Stockholm isagoo Qorsheenaya in uu qabto Banaan-bax lagu gubayo Quraanka Kariimka meelaha uu doortay waxaa ku jirta Xaafada Tensta.

Rasmus Paludan ayaa horay looga diiday in uu tago Magaalada Malmö halkaasi uu doonayay in Quraanka ku gubo lakin labo kamid ah taageerayaashiisa ayaa gubay Quraanka taasi oo ka dhalatay Caro Xoogan iyo rabshado halkaasi ka dhaca

Ninkan aadka u neceb Islaamka ayaa horay dhoor mar u gubay Quraanka hadii loo diido Stockholm ayaa laga cabsi qabaa in Kooxo taageersan ay Quraanka gubaan iyagoo Fulinaya Qorshihiisa.

Foto: Philip Davali/Ritzau Scanpix

Ku dhawaad shan goobood ayay ku qabandoonaan Banaan-baxooda waxaana kamid ah Botkyrka, Tensta, Akalla, Sollentuna iyo Upplands Väsby.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here