Home Wararka Maanta Sweden oo kordhisay tirada Dadka isku imaan kara goobaha Xafladaha iyo goobaha...

Sweden oo kordhisay tirada Dadka isku imaan kara goobaha Xafladaha iyo goobaha kale

0
Photo: Pontus Lundahl / TT

Dowlada Sweden gaar ahaan qeybta Caafimaadka Dadweynaha ayaa maanta shaacisay in ay kordhisay tirada Dadka isku imaan kara oo horay u ahaa 50 qof sababo la xiriira xanuunka corona lakin natiijada ugu danbeesay ee kiisaska corona ayay dowlada maanta shaacisay in 500 boqol laga dhigay tirada dadkaasi iskugu yimaada goobaha Xafladaha, iyo goobaha kale.

Madaxa Cudurada Faafa ee Gobolka Anders tegnell oo ka hadlay go’anka dowlada isagoo qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan go’anka dowlada ee ah in tirada 50 qof laga dhigo 500.

tirakoobka ugu danbeeyay ee Xanuunka Corona ayaa sheegaya in 3 qof oo kaliya u dhimatay xanuunka Corona taasi oo muujineysa in Xanuunka uu hoos ugu dhacay gudaha wadanka.

wixii ku soo kordha lasoco

Somaliska Stocholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here