Home Wararka Maanta Dowlada Norway oo Dadkii ay Lacagaha siisay Xiliga Corona dib uga soo...

Dowlada Norway oo Dadkii ay Lacagaha siisay Xiliga Corona dib uga soo ceshaneysa

0

Dowlada Norway gaar ahaan Xafiiska Shaqada ee NAV ayaa shaaca ka qaaday in laga bilaabo maalinta talaada ee isbuuca danbe ay bilaabeyso soo celinta lacagaha hormariska ee laga dalbaday hay’ada intii lagu guda jiray bilowga xaalada Corona ee wadanka.

Dadkii xiligaasi dalbaday lacagtaasi oo gaaraya 185,000 kun oo qof ayaa loo diray warqado ah in ay dib u soo celiyaan lacagtaasi oo horay ugu dalbadeen dhaqaalo xumo soo wajahday mudada Corona lagu jiray.

Xafiiska Shaqada ayaana lacag bixinta ku bilaabidoona dadka qaata lacagta shaqo la’anta kuwaasi oo qeyb kamid ah laga jaridoono lacagta ay dalbadeen.

lacag soo celinta Xafiiska Shaqada NAV ayaa dhibaato ku noqneyso dad badan oo isticmaalay lacagta deynta kuwaasi oo aanan awoodin dib u soo celinta lacagtaasi oo gaareysa 20,000 kroner.

Somaliska Stockholm

Xigasho/ABCnyheter

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here