Home Wararka Denmark Norway oo Caasimada Denmark ku dartay liiska goobaha halista ah ee Corona...

Norway oo Caasimada Denmark ku dartay liiska goobaha halista ah ee Corona Sharcina kasoo saartay

0

Wasiirka Caafimaadka Norway ayaa xaqiijiyay in Dalal ka tirsan Yurub ay ku dareen liiska goobaha halista ah ee aan la booqan karin waxaana goobaha lagu daray liiska gaduudan ku jira Caasimada Copenhagen halkaasi oo Xanuunka Corona uu dib ugu soo laabtay.

Norway waxay sheegtay in Dadka kasoo safraya Copenhagen la karantiilayo mudo 10 cisho ah ka hor inta aysan galin wadanka si looga hortago faafitaanka Xanuunka Corona oo markale laga baqayo.

Wadamada ku jira liiska gaduudan ama Casaanka waxaa kamid ah United Kingdom, Greece, Ireland, Denmark iyo Austria.

Denmark iyo Norway ayaa horay isku fahansanaa marka ay timaado Xaalada Corona lakin hada ayay iska xirteen Albaabada madama laga cabsi qabo in Corona uu dib ugu soo laabto labada wadan.

Somaliska Oslo

Photo: John Sibley, Reuters

Xigasho/VG

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here