Home Wararka Denmark Midowga Yurub oo diiday Aqoonsiga Doorashada ka dhacday Wadanka Belarus

Midowga Yurub oo diiday Aqoonsiga Doorashada ka dhacday Wadanka Belarus

0

Midowga Yurub ayaa soo saaray go’an ay ku diideen aqoonsiga Dowlada Belarus iyo doorashada halkaasi ka dhacday 9 bishan Agoosto taasi oo lagu tilmaamay mid lagu sameeyay isdaba marin ku aadan dhanka doorashada.

Raisal Wasaaraha Sweden oo ka hadlay qalalaasaha ka socda Dalkaasi ayaa sheegay in midowga yurub ay go’an ka qaateen doorashada isla markana uu jiro heshiis weyn oo ku aadan arinkan.

Raisal Wasaarha Germalka Angela Merkel ayaa dhankeeda sheegtay in midowga yurub uu ka dharagsan yahay doorashada Belarus oo ah mid lagu shubtay waxana intaasi ku dartay in aysan soo dhaweeneenin go’ankaasi.

Xaalada Belarus ayaa ah mid rabshado ka socdaan madama dadka shacabka ay kasoo horjeesteen doorashada oo ah mid lagu shubtay.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here