Spain oo lagu xiray mid kamid ah Hogaamiyaasha Kooxaha gangiska Sweden

Sida ay shaaciyeen booliska Dalka Spain waxaa dalkaasi lagu xiray mid kamid ah hogaamiyaasha Kooxaha gangiska ee ka dhisan wadanka Sweden iyo walaalkiisa waxaa sidoo kale la xiray afar kale oo hogaamiyaal ah.

Xiritaanka kooxaxan ayaa yimid kadib markii booliska Spain ay baaritaan ka sameeyeen Magaalooyinka Barcelona iyo Catalan baaritaanka ayaa la xiriiiray Xashiishka iyo daraagiska kale ee wadankaasi lagu iibiyo.

Sida uu shaaciyay Talafashinka SVT labada wiil ee walaalaha ah ayaa la xiray sadax isbuuc ka hor qaarkood ayaana lagu xukumay 7 sano oo xabsi ah madama lagu helay dambiga ay galeen.

warbixinta ayaa intaasi ku dareysa in hogaamiyaashan la xiray ay keeni karto in uu yaraado dilalka iyo rabshadaha ka dhaca wadanka Sweden iyo dalalka kale ee Caalamka.

Xiritaanka ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay oo khamiis ah xaafada rinkeby lagu dilay wiil somali ah.

Foto: Johan Nilsson / TT

somaliska Stockholm

Somaliska.com Sharciyada Qaxootiga iyo Wararka Caalamka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.