Home Wararka Maanta Norrköping:- Xukun laga soo saaray Hooyo dishay Gabadheeda oo 3 sano jir...

Norrköping:- Xukun laga soo saaray Hooyo dishay Gabadheeda oo 3 sano jir ah

0

ugu danbeyn Maxkamada Degmada Norrköping ayaa Xukun kasoo saartay Hooyo lagu eedeeyay Dilka gabadheeda oo 3 sano jir kaasi oo dhacday bishii january ee aan soo dhaafnay danbiga Hooyada lagu eedeeyay ayaa ahaa dilka Naf kale sida Maxkamada cadeesay Waxana lagu xukumay hal sano iyo sagaal bilood.

Dilka gabadhaasi ayaa gudaha wadanka Sweden loogu magacdaray (Lilla hjärtat.) Waxana uu yimid kadib markii Hooyada dib loogu soo celiyay gabadha oo la joogtay Qoyskale dadka qaarkood ee ka carooday falkaasi ayaa sheegay in ay badbaadi laheyd hadii aanan dib loogu soo celin laheen hooyada.

Qareenkeeda ayaa ku dooday in Hooyada ay tahay Qof dhibane ah lakin taasi go’anka maxkamada waxba kama badalin ee ahaa xabsiga 1 sano iyo 9 biloodka ah.

Waxyaabaha kale ee Maxkamada ku soo eedeesay Hooyada ayaa ahaa isticmaalka Daroogada.

Dilka ayaa kamid ah Dilalka ugu hadal heynta badan Sweden waxana uu keenay in Xisbiyada qaar soo jeediyaan in Sharciga Caruurta Wax laga badalo Sida hooyada Caruurta laga soo qaaday in aan dib loogu celinin.

somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here