Home News in English Sharciga ku meelgaarka Sweden ee Qaxootiga oo la joojinayo

Sharciga ku meelgaarka Sweden ee Qaxootiga oo la joojinayo

1

soo jeedinta in isbadal lagu sameeyo Sharciga ku meel gaarka Sweden ee Qaxootiga ayaa loo diray gudiga Barlamaanka ee arimaha Qaxootiga iyadoo ay jirto in Xisbiyada ay ku kala qeyb sameen sharcigan oo sidoo kale qeyb ka ah Siyaasad adag oo Qaxootiga ah

Soo jeedinta loo bandhigay Gudiga ayaa ah in meesha laga saaro Sharciga ku meel gaarka oo bilowday sanadkii 2015 markaasi oo Qaxooti badan iska dhiibeen Dalka sharciga ayaana dhigaya in Sharciyo ku meel gaar ah la siiyo Dadka loo ogolaado wadanka iyo in la adkeeyo Qoysaska leesku keeno oo markii hore fududaa.

Rikard Larsson oo ka tirsna Xisbiga Socialdemokraterna ayaa sheegay in soo jeedinta qorshaha cusub uu yahay mid u wanaagsan mustaqbalka socdaalka hadii Barlamaanka uu meel mariyo dhawaan.

Sharciga oo sanadkii hore dhacay ayaa lagu kordhiyay mudo dheeraad ah waxana uu ku egyahay 21 july ee sanadka danbe iyadoo ka hor la diyaarinayo badalka sharci kale ama in mar labaad lagu kordhiyo lakin sida warbaahinta Somaliska.com heleyso waxay u badantahay in la hakiyo sharciga madama uu dad badan saameyn ku yeeshay.

Sharciga ku meel gaarka ayaa saameyn ku yeeshay Qaxootiga cusub kuwaasi oo shaqooyin qasab looga dhigay si sharciga looga dhigo mid rasmi ah iyadoo intaasi ay dheertahay guri iyo luuqada dalka oo aad dhameyso.

Somaliska Stockholm

 

AD

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here