Home Wararka Maanta Gabar 11 Sano jir ah oo Waalidkeeda laga reebay Xili ay Safar...

Gabar 11 Sano jir ah oo Waalidkeeda laga reebay Xili ay Safar u socdeen

0

Warbaahinta Gudaha Sweden ayaa baahisay gabar 11 sano jir ah oo waalikeeda laga celiyay xili ay ku socdeen Dalka Turkiga waxaan go’anka uu yimid kadib markii Hay’ada Daryeelka bulshada ay ka warheshay in gabadhaasi loo wado turkiga si loogu soo guuriyo.

dhawaan ayuu bilowday Sharcig Cusub kaasi oo dhigaya in waalidka laga baajiyo safar ay ku tagayaan dalalka ay kasoo jeedaan hadii ay jirto halis ku wajahan caruurta ay wadaan sida guur ama gudniin lagu soo sameenayo caruurtaasi.

Baajinta safarka kadib waxaa hada bilowday kiis baaritaan oo la xiriira Socdaalka gabadha iyo in ay jirto guur qasab ah oo gabadhaasi loo waday.

Dalka sweden ayaa bishii july bilaabay sharciyo cusub kaasi oo ilaalinaya xaquuqda ay caruurta leeyihiin sida in aana lagu qasbin guur ama gudniin.

Somaliska Stockholm

Xigasho/radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here