Home Wararka Maanta Holland oo Xaqiijisay in Corona uu dib ugu soo laabtay Dalkeeda

Holland oo Xaqiijisay in Corona uu dib ugu soo laabtay Dalkeeda

0

Dowlada Dalka Holland gaar ahaan Qeybta Caafimaadka Dadweynaha ayaa xaqiijisay in Dalkeeda uu dib ugu soo laabtay Xanuunka Corona waxana Qeybta Caafimaadka ay sidoo kale shaacisay in isbuucii ugu danbeeyay ay xanuunka qaadeen ku dhawaad 987.

Tirada la diiwaangaliyay isbuucaan ayaa u dhiganta labo jibaar tirada la diiwaagaliyay isbuucii lasoo dhaafay taasi oo muujineysa sida xanuunka uu dib ugu soo laabtay Dalka Holland.

ku dhawaad 7 qof ayaa ku dhimatay Dalka Holland sida uu muujinayo tiro koob laga soo saaray Qeybta Caafimaadka waxana Dadka ku sugan Gobolada Dalka loo diray Digniin ku saabsan in Xanuunka uu soo laabtay isla markana ay joogaan guryahadooda.

Dalka Holland ayaa kamid ah Wadamada Yurub ee Xanuunka Corona uu sameeyay waxana markii uu Xanuunka ka bilowday ilaa hada ku dhintay 6,000 kun.

Somaliska Holland

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here