Home Wararka Maanta Tirada Dadka u dhintay Xanuunka Corona ee laga diiwaangaliyay Sweden

Tirada Dadka u dhintay Xanuunka Corona ee laga diiwaangaliyay Sweden

0

ku dhawaad 27 qof ayaa u dhimatay Xanuunka Corona maanta waxana tirada guud ee dhimashada ka dhigeysaa 5 kun 572 halka la diiwaan galiyay 491 qof oo kiisas cusub taasi ayaana ka dhigeysa tirada guud dadka qaaday Xanuunka 76,492.

tirada dadka u baahnaaday qeybta gargaarka deg dega ayaa gaaray 2,486 qof waxana ku korortay labo qof marka la eego tarada shalay lasoo bandhigay.

karen Vissel oo ka tirsan Qeybta Caafimaadka ayaa shalay sheegtay in tirada dhimashada ay hoos ugu dhacday si aan caadi aheyn.

Xaalada Corona ee Sweden ayaa hoos u dhacday bishan July taasi oo keentay in Safarada Dibada iyo gudaha badankooda la furo lakin qeybta Caafimaadka ayaa wali ka digeysa in ay jirto halis dhanka Corona isla markana dadka ay taxadar muujiyaan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here