Home Wararka Maanta Tirada Toogashooyinka ka dhaca Stockholm oo korortay Lixdii bilood ee ugu danbeesay

Tirada Toogashooyinka ka dhaca Stockholm oo korortay Lixdii bilood ee ugu danbeesay

0

Tirada toogashada ee Caasimada Stockholm ayaa kordhay lixdii bilood ee la soo dhaafay marka la barbar dhigo isla waqtigaan oo kale sanadkii la soo dhaafay, sida uu qoray SVT lakin qeybta Waqooyi ee Stockholm 0k tirada toogashada ayaa hoos u dhacday.

Intii u dhaxeysay January ilaa June, 61 toogasho ayaa ka dhacay Gobolka Stockholm. marka la eego sanadkii hore 40 toogasho ayaa dhacday xiligan sida ay qortay wakaaladda wararka ee SVT. Isugeyn 163 toogasho ayaa dhacday inta lagu gudajiray qeyba hore ee sanadka guud ahaan wadanka, taas oo u dhiganta 155 qof oo la toogtey qeybtii koowaad ee sanadka hore

Galbeedka Caasimada, tirada toogashada ayaa korortay wax yar sidoo kale dhanka Bari. iyo Waqooyiga Magaalada, tirada toogashada ayaa hoos uga dhacday sidoo hore.

Booliska ayaa aaminsan in tirada toogashada ee sii kordheysa ee Gobolka Stockholm ay sabab u tahay shaqaaleynta dhalinyarada cusub ee kooxaha gaangiska, Xudduudda xidhan ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay sabab u tahay, sida ay sheegeen booliisku, halkaas oo ay u arkaan inay ku sii badanayaan maxaabiista marka loo eego sidii caadiga ahayd.

Sweden ayaa kamid ah wadamada Yurub ee sanad kasta ka dhacaan toogashooyin kuwaasi oo isku geestaan kooxaha gangiska.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here