Home Wararka Maanta Sweden oo isku diyaarineysa Heerka Labaad ee Coronavirus

Sweden oo isku diyaarineysa Heerka Labaad ee Coronavirus

0

kadib Shir Jaraa’id oo Dowlada Qabatay maanta ayaa lagu dhawaaqay in Sweden isku diyaarineyso heerka Labaad ee Mowjadaha Coronavirus taasi oo looga gonleeyahay in Afar Hay’adood oo ka dhisan wadanka iyo Maamulka Degmooyinka lasiiyo Awood ay kaga hortagaan wajiga labaad oo la filayo Xiliga deyrta ee nagu soo wajahan.

Hay’adahaasi waxaa kamid ah Folkhälsomyndigheten, Socialstyrelsen, Läkemedelsverket, Myndigheten för samhällsskydd och beredskap (MSB) kuwaasi oo qeyb ka ah Dowlada.

Sweden ayaa isku ka cabsi qabta in Xanuunka Corona uu dib ugu soo laabto taasi oo keeni karta in markale uu sameeyo saameen lamid ah tii hore u dhacday.

Wasiirad Lena Hallengren ayaa shirkeeda Jaraa’id ku cadeesay in Dowlada ay sameeneyso wax walbo oo looga hortagi karo heerka labaad ee xanuunka Corona.

Waxyaabaha kale waxaa kamid ah  in la baaro haddii ay suurtagal tahay in la helo talo guud iyo qawaaniin gobol ahaan la waafajiyey oo aan ahayn mida maanta, tusaale talo iyo qawaaniin ku habboon dalka oo dhan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here