Home Wararka Caalamka Wada-hadalka u dhaxeeyay Xisbiyada S iyo M ee Arimaha Qaxootiga oo burburay

Wada-hadalka u dhaxeeyay Xisbiyada S iyo M ee Arimaha Qaxootiga oo burburay

0

Wadaxaajoodkii u dhaxeeyay Xisbiyada  Moderates iyo Socialdemokraterna ee ku saabsanaa soogalootiga ayaa burburay sida uu Moderatka u sheegay TT.

Wadahadalada ku saabsan siyaasada socdaalka mustaqbalka ee Sweden ee dhex mara xisbiga S iyo M ayaa burburay waxaa arinkan cadeeyay af hayeenka siyaasada soogalootiga ee Moderates Maria Malmer Stenergard oo la hadlay TT.

”Wadaxaajoodka wuu burburay, waayo xisbiga S wuxuu doortay inuu dhageysto (Xisbiga Deegaanka) Miljöpartiet” 

Sida laga soo xigtay Maria Xoghaynta Guddiga Socdaalka ayaa hadda loo oggolaaday inay u soo gudbiso soojeedinta gudiga labada dhinac si ay u go’aamiyaan 23 ka Luulyo.

Raiiselwasaaraha Stefan Löfven wuxuu ka qoomameynayaa wadahadaladii u dhaxeeyay xisbiga Socialdemokraterna iyo Moderates-ka ee ku aadan siyaasada socdaalka.

Stefan Löfven ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu ka xunyahay in aysan suurta gal ahayn in la gaaro heshiis balaaran oo ku saabsan siyaasad Socdaalka oo waarta.

Xisbiyada Socialdemokraterna iyo xisbiga Centerpartiet-ka ayaa sidoo kale si wada jir ah wax ugu biiriyay gorgortanka, waxay qaateen masuuliyadooda waxayna isku dayeen xalka lakin kuma guuleysan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here