Home Wararka Maanta Arlanda:- Shirkada SAS oo joojisay Sadax Duulimaad oo Giriiga ku socday

Arlanda:- Shirkada SAS oo joojisay Sadax Duulimaad oo Giriiga ku socday

0

Shirkada Diyaarada SAS ayaa Daqiiqadii ugu danbeesay Hakisay ku dhawaad sadax Duulimaad oo ku socday Dalka Giriiga Kuwaasi oo ahaa Duulimaad toos ah Maamulka Shirkada oo qabtay Shir Jaraa’id ayaa warbaahinta u sheegtay waxa keenay hakinta ama joojintaasi waxana arinkaasi ka dhashay Jahwareer.

Ku dhawaad 374 rakaab ah ayaa ku qornaa Sadaxdan diyaaradood waxana go’anka lagu hakiyay duulimaadka uu ka yimid dhanka Dowlada Giriiga oo horay u shaacisay in aysan aqbaleen Duulimaadka tooska ah.

Johan oo ka tirsan Maamulka Diyaarada SASayaa yiri ” waxaan isku daynay in aan helo ogolaansho lakin kuma aanan guleysan Sababta loo hakiyay Safarka waxaa uu ka yimid Dowlada Giriiga”

Labo Maalin ka hor ayey Aheyd markii Diyaarad ka socota TUI loo ogolaaday in ay toos uga dagto Magaalada Rhodes ee Dalka Gariiga waxana Maamulka SAS ka hadleen Sababta keentay in loo ogolaado iyagana loo diido.

Ugu danbeyn Shirkada ayaa sheegtay in ay wada-hadal la yeelaneyso Dowlada Giriiga si loo helo ogolaansho ku aadan Duulimaadyada soo socda.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here