Home News in English Stefan löfven oo ka horyimid in Qaxootiga Cusub ee Sweden laga dhigo...

Stefan löfven oo ka horyimid in Qaxootiga Cusub ee Sweden laga dhigo tiro Xadidan

0

Raisal’Wasaaraha  Sweden Stefan oo ka hadlay tirada Qaxootiga Cusub ee Dowladiisa qaadaneyso ayaa kasoo horjeestay in tiro cayiman oo Qaxooti ah la qaato waxaana arintaasi ku sheegay mid ka hor imaaneyaa Xaquuqda Qofka magangalyo-doonka ah.

Stefan ayaa joornaalka Sydsvenska u sheegay in Tirada Qaxootiga Cusub aanan loo sameen xadi kooban lakin Dalalka  yurubta kale lala qeybsado Qaxootiga.

”Dadka kasoo gala Xaduudka Sweden waa in ay helaan Xaquuq Magangalyo” Stefan ayaa sidaasi u sheegay joornaalka.

Xisbiga Miljöpartiet ayaa kasoo horjeeda Sharcigan Qaxootiga lagu Xadidayo waxaana uu dhoor jeer ku celiyay in uu Dowlada ka baxayo hadii lasoo saaro Sharcigaasi isagoo ka qeyb galin wada-hadaladii ugu danbeeyay ee Xisbiyada oo looga arinsaday xaaladan.

Xisbiga Socialdemokraterna ayaa dhankiisa sheegay in uu arintan kala fadhiisanayo dhamaan Xisbiyada sida kuwa Muxaafidka iyo kuwa mucaaradka si loosoo saaro Siyaasada mustaqbalka Qaxootiga ee Dowlada Sweden

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here