Home Wararka Maanta Cudur kale oo ka dilaacay Shiinaha oo laga Cabsi qabo in uu...

Cudur kale oo ka dilaacay Shiinaha oo laga Cabsi qabo in uu ku faafo Dunida

0

Khubaro Caafimaad oo u dhashay dalka Shiinaha ayaa ogaaday in waddankaas uu ka jiro xanuun horleh oo lamid ah feyraska corona, kaas oo noqon karo cudur safmar ah sida feyraska hadda dunida ay la daala dhaceyso.

Xanuunkan ayaa dhowaan lagu arkay xayawaanka doofaarka, waxaana sidoo kale ay seynisyahandu sheegeen inuu ku dhici karo ban’iaadamka.

Cilmi-baarayaasha ayaa ka walaacsan in xanuunka uu si sahlan ku faafi karo, dadkana ay is-qaadsiin karaan, lagana yaabo in dunida oo dhan uu ku faafo.

Inkastoo hadda dhibaato taagan uusan ahayn, haddana khubarada caafimmaad ee ogaaday xanuunkan waxay shegeen in uu leeyahay calaamado badan oo muujinaya in dadka ay qaadi karaan. Waxay intaa ku dareen in loo baahan yahay in si dhaw loola socdo cudurkan.

Waxay shegeen in shaqaalaha shirkadaha ka shaqeeya hagaajinta hilibka doofaarka looga baahan yahay in ay taxadaraan, xaaladooduna aad loola socdo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here