Home Wararka Maanta Dowlada Austria oo ku dhawaaqday in ay 31 wadan xaduudaha u furtay

Dowlada Austria oo ku dhawaaqday in ay 31 wadan xaduudaha u furtay

0

Wadanka Austria ayaa ku dhawaaqay in xuduudaha uu furi doono dhawaan waxaana si toos ah loo shaaciyay xiliga Austria ay furayaan xaduudaha ay la wadaagaan wadamada kale ee yurub

alexander schallenberg wasirka arimaha dibada ee wadanka Austria ayaa warbaahinta u sheegay in xayiraadi isku socodka xoga la qafiifiyay waxaana 31 wadan ay Macqul tahay in dadkoda ay wadanka Austria u soo socdalaan iyadoo la marayo habab wanagsan

Austria ayaa xaduudaheeda furaysa maalinta talaadada oo ay ku beegan tahay 16 June 2020 sida lagu dhawqay galinkii danbe ee maanta

Xayiraada xaga socdaalka ah ayay Austria ka qaday dhawr wadan oo xaduud la leh dhamadkii bishii hore waxaana ka mid aha Germany iyo hangry balse talyaaniga kuruweeshiya iyo gariiga ayay Austria dib u dhigtay in xaduudeeda u futro sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee covid 19

Dowlada Austria aya hada ugu danbeyn shegtay in wadamadaasi xaduudaheeda loo furay wadanka Austria balse waxaa sii jiri dono hab lagu ogaan doono badqabka dadka soo galaya wadanka Austria

Sheekada la hadal hayo aya ah digniino xaga safarka a oo dowlada Austria ay jeedisay gaar ahaan wadamada Sweden uk, Spain,iyo Portugal waxaana wadamadaasi ay yihiin wadamo wali Austria ay shaki ka qabto bad qabka xaga socdaalka arimo la xiriira covid19 waxana 31 wadan ay Austria xaduudaheda ay u furtay ka maqan wadamadaasi

Wasiirka aya sheegay sidoo kale dadka socdaalaya gaar ahan kuwa Family kooda boqanaya , sxbadood u takaya (boqanaya) iyo kuwa dalxiisayada la hubin doono waxaana talabadan la qaday ay ka danbeysay kadib markii cudurka covid 19 wadanka Austria uu ka sii dhamanayo

Wasaarada caafimadka wadanka Austria ayaa sheagtay in dadka covid 19 qaba wadanka Austria uu marayo 422 qofod waxana dadka cudurka ka kacay ay garayan 15.910 qofood waxay taasi sababtay in xayiraadihi la qado tartib tartib (la fududeeyay)

Sikastaba ha ahaate wadanka Austria Ayaa u eg
Inu guul ka gaaray la dagaalka cudurka covid19 oo dhibaato ba’an u gaystay wadamada Austria daris ka la ah

W-Q:- Samiir xasan adan
Vienna Austria

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here