Home News in English Norway ”Waxaan Sharciga siineynaa Dadka gacanta u galay Kooxaha Wax tahriibinta ka...

Norway ”Waxaan Sharciga siineynaa Dadka gacanta u galay Kooxaha Wax tahriibinta ka ganacsada”

0

Dowlada Norway ayaa wax badan ka badashey hanaanka Qaxootiga Dalkeeda waxana ay shaaca ka qaaday in ay sharciga siineyso qofka ganacta u galay kooxaha wax tahriibaya ee ka ganacsada Dadka tahriibayaasha ah.

Wasiirada Cadaalada Norway Monica Mæland oo soo saartay War Saxaafadeed ayaa cadeesay go’anka Dowlada ee ku aadan sharci siinta ama sharci u fududeenta dadka la kulmay kooxaha ka ganacsada wax tahriinta ama lagu soo shaqeestay iyagoo ku jira ganactooda.

norway ayaa horay u ogoleed in dadkaasi sharciga la siiyo lakin dhibaatada ugu adag ayaa aheyd in qofka dhibkaasi u geestay uu maxkamada ku hor dhaarto taasi oo aheyd mid aanan suragali karin lakin maanta sharuudaasi ayaa meesha laga saaray.

Sharcigan ayaa maalinta jimcaha ee lasoo dhaafay ka bilowday wadanka norway waxana dadka lasiindoono sharcigan looga baahan yahay in Booliska Norway la wadaagaan kooxaha falkaasi ku sameeyay.

Norway ayaa kamid ah wadamada soo saaray sharciyo badan oo ku adag qaxootiga lakin bilihii u danbeeyay waxay bilowday fududeenta sharciyada kadib markii Qaxootiga gaari jiray wadankaasi ay hoos u dhaceen.

somaliska oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here