Home Wararka Maanta Dowlada UK oo go’an kasoo saartay Shaqaalaha Ajanabiga ee Dalkeeda ka shaqeeya

Dowlada UK oo go’an kasoo saartay Shaqaalaha Ajanabiga ee Dalkeeda ka shaqeeya

0

RW Britain, Boris Johnson, oo caan ku ahaa magaca “Get Brexit Done” ayaa shaqaalaha Midowga Yurub ee UK ka shaqaysta u jeediyey inay dib ugu soo laabtaan dalkaasi, si ay gacan uga gaystaan kobaca dhaqaalaha, karoonaha kaddib.

Boris ayaa u jawaabatey weriye Talyaani ah oo la yiraahdo Marco Varvello oo wax ka waydiiyey dadka ajnabiga ah ee ka shaqeeya UK.

”Maxaan ku iraahdaa saaxiibbadayda Talyaaniga, Talyaaniga doonaya inay kusoo laabtaan UK, ”soo laabta”. Tutti benvenuti!” ayuu ku jawaabey Johnson.

”Kusoo noqda London ama UK, balse waa inaad is karaantiishaan, waayo muddo dheer baa la handaraabnaa.” ayuu raaciyey.

Tutti benvenuti ayaa waxay afka Talyaaniga ku tahay “gebigiin soo laabasho wacan”.

Maadaama uu ujeedka Brexit ahaa in la joojiyo isu socodka Midowga Yurub iyo UK, dad badan baa la yaabay jawaabta Johnson, waxayna arrintii la tageen barta Twitter-ka.

Somaliska UK

Xigasho/hadalsame

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here