Home Wararka Maanta Caasimada Sweden oo lagu qabtay Dibad-bax looga soo horjeedo Dilkii loo geestay...

Caasimada Sweden oo lagu qabtay Dibad-bax looga soo horjeedo Dilkii loo geestay George Floyd

0

Caasimada Sweden ee Stockhom ayaa maanta lagu qabtay dibad-bax looga soo horjeedo dilkii mareykanka loogu geestay loo geestay George Floyd oo ahaa nin madow ah kaasi oo geeriyooday xili neefta lagu dhajiyay waxana dadkii dhigayay banaan-baxa ay ku qeelinayeen erayo ay kamid yihiin ” Jooji midab takoorka.

Booliska Stockholm ayaa markii hore ku dhawaaqay in banaan-baxa la joojiyay madama dadka soo gaaray halkaasi ay ka badanyihiin 50 qof oo sharciyan la ogolaa madama uu jiro Corona lakin markii danbe ayaa loo ogolaaday in ay sameeyaan banaan-baxa aamusnaan ah oo bilowday 6 ilaa 8 fiidnimo.

Banaan-baxa ayaana la joojiyay kadib markii booliska uu go’an saday joojintiisa madama dadka ay ka sii bateen intii loo qoondeeyay.

Sweden ayaa kamid noqotay meelaha looga banaan-baxay Dilkii carada badan ka dhalatay ee George Floyd kaasi oo isagoo baryootamaya nafta laga qaaday kadib markii askari Cunsuri ah uu cagtiisa ka saaray qoorta.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here