Home Wararka Maanta Sweden oo laga diiwaan galiyay 8 Qof oo u dhimatay Xanuunka Corona

Sweden oo laga diiwaan galiyay 8 Qof oo u dhimatay Xanuunka Corona

0

Sida lagu shaaciyay Shirka maalinlaha ee Hay’ada Caafiamadka Dadweynaha waxaa 24 saac ee lasoo dhaafay la diiwaan galiyay 8 qof oo u dhimatay xanuunka Corona ee gudaha Sweden taasi oo muujineysa sida uu hoos ugu dhacay Xanuunka ka jiray wadanka sida lagu sheegay shirka jaraa’id.

Tiradan soo korortay ayaa ka dhigeysa 4403 qof in ay u dhimatay Xanuunka tan iyo markii uu dilaacay waxana qeybta deg dega la dhigay 2,083 qof halka tirada dadka laga helay xanuunka ay sii mareyso 37,814 qof.

maalintii Shalay ayaana wadanka laga diiwaan galinin wax dhimasho ah waxana sidaasi oo kale ugu danbeesay 13 bisha march markaasi oo la diiwaan galinin wax dhimasho ah,

inkastoo Gobolada Dalka ay ku kala duwanyihiin xaalada Corona hadana hay’ada ayaa wali dadka uga digeysa isku imaatinka madama ay wali jirto halis.

Somaliska Stockhom

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here