Home Wararka Maanta Kuleelka Sweden oo sii soconaya iyo qabow la filayo dhamaadka isbuucan

Kuleelka Sweden oo sii soconaya iyo qabow la filayo dhamaadka isbuucan

0

Shalay waxaa kuleel daran laga dareemay gudaha Wadanka Sweden iyo Caasimada Stockholm waxana uu gaaray 25 degree isla galinkii danbe ee shalay waana kuleelkii ugu badnaa tan iyo markii uu bilowday waqtiga kuleylaha ama samarka.

Michael Gostrand oo ka tirsan qeybta saadaalinta Cimilada ayaa joornalka Aftonpladet u sheegay in maalmaha soo socdo oo dhan la filayo isla markana uu sii soconayo kuleelka jira waxana intaasi ku daray in dhamaadka isbuuca la filayo qabow yar iyo roob.

Gobolada iyo nawaaxiga uu roobka ka da’idoono waxaa kamid ah Svealand, Götaland iyo qeyb kamid ah koonfurta Norrland.

Gostrand ayaa intaasi ku daray in isbuuca danbe uu dib u soo laabanaya kuleel caadiga ee xiliga saamarka.

qeybta Dab damiska ayaana sugaya roobab ka da’a gobolada Dalka madama ay yareeneyso halista dabka ka dhasha dhulka keemana sida sanadkii hore.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here