Home Wararka Maanta Xaaska Askarigii dilay George Floyd oo dalbatay furiin iyo Amaan ay hesho...

Xaaska Askarigii dilay George Floyd oo dalbatay furiin iyo Amaan ay hesho xiligan

0

Askarigii qoorta uga istaagay George Floyd isla markaana loo haysto dilkiisa, ayay xaalad kale soo wajahday ka dib markii xaaskiisa ay ka dalbatay furriin.

Qoraal laga soo saaray xafiiska qareenkeeda ayaa lagu sheegay in Kellie Chauvin ay aad uga naxday geerida George Floyd, ayna murugada la qeybsaneyso qoyskiisa.

“Waxay Derek Chauvin ka dalbatay furriin, maadaama aysan wax carruur ah isu dhalin, waxay Kellie codsaneysaa in gebi ahaanba qoyskeeda la siiyo ammaan xilligan adag,” ayaa lagu sheegay qoraalka oo warbaahinta ABC News ay soo xigatay.

Chauvin ayaa la xiray gelinkii dambe ee Jimcaha isagoo lagu eedeeyay dilka Floyd. Waxaa la filayaa in maxkamad la soo taago Isniinta, isla markaana dad kale loo qabto dilka ninkaasi

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay inuu hayo caddeyn muujinaysa in Chauvin uu ninka dhintay jilibka qoorta uga hayay muddo 8 daqiiqo iyo 46 ilbiriqsi ah, taasoo 2 daqiiqo iyo 53 ilbiriqsi oo kamid ah uusan nuux-nuuxsaneyn Floyd.

Banaanbaxyo rabshado wata oo ka dhashay dilka George Floyd ayaa ku baahay magaalooyinka waaweyn ee Maraykanka. New York iyo Los Angeles ayaa kamid ah ilaa labaatan magaalo oo dibed baxyada ay saameynta ku yeesheen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here