Home Wararka Maanta Wiilkiisa ayaa dhintay labo bil ka hor isagana maanta ayaa la aasay...

Wiilkiisa ayaa dhintay labo bil ka hor isagana maanta ayaa la aasay Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxudiin Celi

0

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxudiin Celi oo kamid ah Culumada sida aadka looga yaqaano wadanka sweden gaar ahaan Caasimada Gotenborg ayaa dhawaan geeriyooday waxana shiikh loo sameeyay aas ay ka qeyb galeen qaar kamid ah ardayda uu wax baray iyo Culumada ku sugan Gotenborg iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo ka qeyb galay aaska shiikha iyadoo ay jirto xaalada Corona.

Sheekh Cabdiraxmaan ayaa labo bil ka hor waxa uu ka qeyb galay Aaska wiil uu dhalay kaasi oo ku baxay gacanta kooxaha gangiska waxana xiligaasi shiikha uu sheegay in uu cafiyay dadkii dilay wiilkiisa isagoo ka codsaday in ay halkaasi ku joojiyaan dhiiga daadanaya.

Sawirka Hoose Shiikha oo ka qeyb galaya aaska Wiilkiisa

qaar kamid ah Dadkii ku sugnaa magaalada Gotenbog oo ka qeyb galay aaska ayaa ka hadlay Shiikha iyo kaalintiisa bulshada iyagoo isku raacay in uu ahaa macalin soo saaray arday badan oo ku sugan magaalada.

Dadka ka qeyb galay Shiikh aaskiisa ayaa ugu tukuday salaada 50/50 kuwaasi oo ilaalinayay sharciga dowlada ee bulsho isku imaatinka iyagoo salaada kadib ka sheekeeyay taariikhda shiikha mudada uu joogay wadanka sweden.

Sawirka Hoose Aaska Shiikha loo sameeyay

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxudiin Celi ayaa dhawaan u dhintay xanuunka Corona ee ka jira wadanka sweden waxana Dowlada ogolaatay in aas loo sameeyo madama uu yahay Qof bulshada ku leh maqaam sare.

Somaliska Gotenborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here