Home Wararka Maanta Norway oo Xuduuda u furtay Shaqaalaha ka imaanaya Wadamada Scandinavian

Norway oo Xuduuda u furtay Shaqaalaha ka imaanaya Wadamada Scandinavian

0

sida maanta ay shaacisay Dowlada Norway gaar ahaan wasiirada Ganacsiga Norway Eskilin waxay dowlada ay toos u furtay Xaduuda ay la wadaagto Wadamada Nordic ama Scandinavian gaar ahaan shaqaalaha ka imaanaya wadamadaasi kadib shir dhexmaray madaxda dowlada.

Shaqaalaha ka imaanaya wadamadan ka tirsan Nordic ayaa laga joojiyay guud ahaan karantiilida mudada 10 cisho oo horay dowlada ugu soo rogtay dadka ka imaanaya wadamadaasi ee soo galaya wadankeeda.

go’an Cusub ee Dowlada soo rogtay ayaa bilaanaya bisha june kowdeeda oo ku beegan maalinta Khamiista waxana dowlada ay sheegtay in go’anka uu yahay mid shaqaalaha loogu fududeenayo howlahooda shaqada.

Wasiirada oo ka jawaabtay waqtiga la furayo safarada kale ee caadiga ayaa sheegtay in Dowlada ay sahmineyso arinkaasi kana soo saareyso go’an macquul ah.

Somaliska Norway

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here