Home Wararka Maanta Madaxweyne Trump oo ka hadlay Dilka loo geestay nin madow ah oo...

Madaxweyne Trump oo ka hadlay Dilka loo geestay nin madow ah oo aan hubeesneen

0
President Donald Trump speaks from the Oval Office of the White House as he gives a prime-time address about border security Tuesday, Jan. 8, 2018, in Washington. (Carlos Barria/Pool Photo via AP)

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa si adag uga hadlay dilkii argagaxa lahaa oo sargaal cadaan ah oo katirsan booliiska magaalada Minneapolis u geestay nin madow ah oo kamid ahaa bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Trump ayaa Musiibo iyo wax laga naxo ku tilmaamay dilkii sargaalka booliiska u geestay George Floyd oo ahaa nin shacab aan hubeysneen, waxa uuna tacsi u diray ehelada ninka ku baxay acanta ciidanka booliiska.

Madaxweynaha Trump ayaa ugu baaqay saraakiisha baaritaanka gacanta ku haysa iyo waaxda Cadaalada dalka Mareykanka in baaritaanada ay wadaan marka ay soo gabo gabeeyaan in ay  qaadaan talaabo deg deg ah.

”Waxaan ka codsaday FBI-da iyo waaxda cadaalada in ay si wanaagsan u wadaan baaritana dhacdadan musiibada ah, waxaana ka codsaday baaritaanada kadib in talaabo adag la qaado,” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Dilka sargaalka Cadaanka ah uu u geestay ninka Madowga ahaa ayaa caro badan abuuray gudaha Mareykanka, waxaana magaalada Minneapolis oo falkan ka dhacay ka socda banaan baxyo rabsho wata ay dhigayaan dad u badan madow.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here