Home Wararka Maanta Dowlada Sweden oo dib u fureysa iskuulada Waxbarashada kuna dhawaaqday waqtiga la...

Dowlada Sweden oo dib u fureysa iskuulada Waxbarashada kuna dhawaaqday waqtiga la furayo

0

Dowlada Sweden ayaa maanta oo jimcoo ah shaacisay in dib loo furayo iskuulada waxbarashada sweden oo mudo dhoor bil u xirnaa xanuunka Corona waxana mudadaasi ay ardayda wax ku baranjireen qaabka online-ka ah.

Raisal’ Wasaaraha Sweden oo ka hadlay shirka jaraa’id ee Dowlada ku soo bandhigtay furitaanka iskuulada waxbarashada gaar ahaan kuwa sare ayaa sheegay laga bilaabo bisha june 15 keeda ay arday aadi karaan waxbarashada sare.

ardayda doonaya in ay bartaan heerka waxbarasho waxay aadi karaan iskuulkooda mudada xagaaga ee lagu jiro sida ku cad go’anka dowlada.

” Furitaanka iskuulada sare ee wadanka maahan in ay dhamaatay halista cudurka Corona” Stefan ayaa sidaasi warbaahinta u sheegay mar uu ka hadlay go’anka dowlada ee kasoo saartay qeybta waxbarashada.

Dowlada ayaa dhanka kale furtay iskuulada dadka waaweyn qeyb kamid ah iyo jaamacadaha kuwaasi oo heesta sharciyo u gooni ah oo ka duwan kuwa sare.

tan iyo markii dowlada ay ku dhawaaqday xiritaanka goobaha waxbarashada bishii march 17-deeda waxaa saameem xoogan ku yeelatay arday badan oo awoodin in ay wax ku bartaan heerka waxbarashada ee fogaanka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here