Home News in English Maxaad ka taqaan Sharciga dhawaan bilaabanaya (ebo-lagen) ee Qaxootiga looga joojiyay dagitaanka...

Maxaad ka taqaan Sharciga dhawaan bilaabanaya (ebo-lagen) ee Qaxootiga looga joojiyay dagitaanka goobta ay rabaan

0

dood adag ayaa ka taagan sharciga (ebo-lagen) ee la sameeyay sanadkii 1994 doodiisa ayaana timid kadib markii dhawaan lagu sameeyay isbadal cusub isbadalkaasi oo dhigaya in qaxootiga laga joojiyo in ay doortaan goobta ay markaasi rabaan in ay ku noolaadaan hadii taasi ay dhacdana laga joojiyo lacagta gunada ee la siiyo.

ugu horeen waa maxay (ebo-lagen) Somaliska.com ayaa sharaxeysa

Sharcigan ayaa ah mid qofka Qaxootiga xurnimo u siinaya in uu doorto deegaanka uu rabo si halkaasi loogu siiyo dhaqaalaha dowlada kasoo galaya mudada uu sugayo sharciga ama dacwadiisa lakin dhibaato adag ayaa ka timid sharciga sanadihii ugu danbeeyay kadib markii Degmooyinka qaar soo wajahday cadaadis kaga yimid Qaxootiga tirada badan ee dagay nawaaxigooda si arintaasi loo yareeyo dowlada ayaa isbadal ku sameeysa sharciga.

isbadalka ayaa ahaa in Deegaanada qaar laga yareeyo qaxootiga taasi oo keentay in lasoo rogo sharci dhigaya in Qaxootiga laga jaro gunado uu helo hadii uu doorto goobta uu rabo sharcigaasi ayaana bilaabanaya bisha july bilowgeeda lakin ka hor sharciga Dowlada ayaa codsi u jeedisay Degmooyinka wadanka si ay kaga soo talo bixiyaan nawaaxiga ay ku badanyihiin Qaxootiga si sharcigaasi looga joojiyo.

11 kamid ah 32 kamuun ee wadanka ayaa codsaday in laga joojiyo Sharciga (ebo-lagen) waxana kamid ah Gothenburg and Malmö taasi oo keentay in dood badan ka dhalato sharciga waxana shalay oo jimco aheyd ay dowlada ku celisay in ay isbadal ku sameeneyso sharcigan.

Wixii ku soo kordha lasoco

Somaliska Gotenborg

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here