Home Wararka Maanta Dowlada oo Sharci Cusub kasoo saartay goobaha Maqaayadaha, Baararka iyo Kafateeriyada

Dowlada oo Sharci Cusub kasoo saartay goobaha Maqaayadaha, Baararka iyo Kafateeriyada

0

Dowlada Sweden ayaa maanta soo saartay sharci cusub kaasi oo dhigaya in Degmooyinka Dalka la siiyo awood qaas u ah oo lagula xisaabtamo goobaha maqaayadaha, baararka iyo kafateeriyada kuwaasi oo jabiya sharciga loga hortagayo xanuunka Corona ee horay loogu soo saaray awooda ayaana ah in Degmooyinka ay xiraan goobahaasi isla markana ganaax ku sameeyaan.

Wasiirada Arimaha bulshada oo shir jaraa’id qabatay ayaa sheegtay in Dowlada ku howlan tahay xiritaanka Goobaha maqaayadaha lakin taasi laga baaqsan karo hadii la raaco sharciga dowlada horay u soo saartay ee kala fogaanta labada qof.

Sharcigan ku meel gaarka oo soconaya ilaa dhamaadka sanadkan ayay dowlada kaga danleedahay madama la galayo xili adag oo sammar ah taasi oo keeni karta in ciriiri badan uu ka dhaco goobaha bulshada iskugu timaado.

Booliska degmooyinka ayaa ka caawindoonaa maamulka hirgalinta sharcigan cusub waxana lagu wadaa in uu dhaqan galo bilowga bisha july ilaa dhamaadka sanadka 2020.

ugu danbeyn dowlada ayaa horay u soo saartay sharci dhigaya in goobaha maqaayada iyo baararka ay si iskooda u ilaaliyaan sharciga iyadoo qofka aysan qasbin lakin taasi ayaa meesha ka baxeysa hadii degmooyinka la siiyo awood dheeri ah.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here