Home Wararka Maanta Warbaahinta Mareykanka oo sheegay in Dunida isticmaali doonto Qorshaha Sweden kaga hortagtay...

Warbaahinta Mareykanka oo sheegay in Dunida isticmaali doonto Qorshaha Sweden kaga hortagtay Corona

0

Warbaahinta Mareykanka gaar ahaan joornaalka ka hadla arimaha Dibada ayaa bogiisa hore ku soo qoray in dunida ay dhawaan isticmaalidoonto habka ama istiraatiijiyada sweden ay u isticmaashay ka hortaga Corona isagoo intaasi ku daray in wadadaasi ay tahay mida kaliya ee aduunka isticmaalidoono dhawaan isagoo soo xiganaya sida sweden kaga guuleeysatay xanuunka marka la fiirsho nolosha caadiga ee wadanka.

joornalka ayaa habka ay isticmaashay dowlada ku dhaliilay badbaadinta nolosha dadka caafimaadka qaba sida dhalinyarada iyo dadka kale kuwaasi oo halis u galay in naftooda galiyaan tusaale halista uga imaan karta xanuunka lakin taasi badalkeeda ayuu shaaca ka qaaday in wadanka uu ilaaliyay dhaqaalaha dalka madama badi ay furanyihiin goobaha ganacsiga dalka iyadoo dadka laga codsaday ilaalinta fogaanta leesku jirsado si xanuunka faafitaankiisa uu u yaraado mana jirin awood boolis oo wadanka isticmaalay.

Warbaahinta ayaa dhanka kale magacowday in Sweden dhanka waxbarashada ay guul ka gaartay madama badi dadka badankooda ay waxbarashada ku dhigtaan qaabka fogaanta ee loo yaqaano (distance) waxaa intaasi u sii dheer in sweden dhimashada ka yartahay wadamada France, Germany iyo Taliyaaniga kuwaasi oo wadanka xiray guud ahaan.

Sweden ayaa lagu amaanay in muwaadiniinteeda ay si xornimo ah kaga codsatay ilaalinta fogaan isku jirsashada iyadoo aysan jirin wax ciqaaba ah oo lagu soo rogay qofka jabiya amarkaasi taasi oo keentay in dadka si iskooda ay u doortaan ilaalinta sharciga dalka.

inkastoo warbaahintaasi mareykanka ee ECO ay ku warameyso in habka sweden uu noqonayo mid dunida ay isticmaasho dhawaan hadana waxaa dhaleeceen xoogan kaga timid wadamada scandinavian kuwaasi oo sweden ku eedeeyay in ay dayacday nolosha dadka Qaxootiga ee ku nool Dalka kuwaasi oo xanuunka ku dhamaaday.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here