Home Wararka Maanta Habka lacag dirista Swish oo adeeg Cusub lagu soo kordhiyay

Habka lacag dirista Swish oo adeeg Cusub lagu soo kordhiyay

0

sida ay shaaca ka qaadeen Maamulka Shirkada Swish adeeg cusub ayaa lagu soo kordhiyay adeegaasi dadka lacagaha iskugu diraan kaasi oo ah in qofka uu lacag ka dalban karo qof kale tusaale ahaan qofka waxa uu adeegiisa swish ku qori karaan lacag 1000 kr oo codsi ah isagoo galindoona qofka uu lacagtaasi ka dalbaday hadii qofka uu aqbalo waxay labadooda ka saxiixidoonaan Bank ID.

Horay Shirkada waxay laheyd in qofka uu lacag diri karo oo kaliya lakin adeegan cusub ee lacag codsashada ayaa noqonaya mid wax badan ka badalidoonaa shaqooyinki hore sida uu sheegay madaxa wax soo saarka shirkada Edvind.

Edvind ayaa intaasi ku daray in adeega uu yahay mid dadweynaha sweden ay sugayeen waqti dheer isla markana uu ka caawindoono shaqooyin badan oo hada dhib ku ah isagoo tusaale u soo qaatay in shirkadaha deynta kugu leh ay kusoo diri karaan xasuusin (påminnelse) oo dhanka swishka ah sidaasna aad ku bixin karto lacagta.

ugu danbeyn shirkada Swish ayaa ah shirkada lacagaha u kala gudbisa bangiyada ka jira dalka madama waqti dheer kugu qaadaneyso in aad toos lacag iskugu xawisho labo bangi.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here