Home Wararka Maanta Eva Nordmark ”Saacadaha Shaqada oo la yareeyo waa Xalka kaliya ee shaqooyin...

Eva Nordmark ”Saacadaha Shaqada oo la yareeyo waa Xalka kaliya ee shaqooyin lagu abuuri karo”

0

122,000 kun oo qof ayaa shaqadooda waayay tan iyo bishii march bilowgeeda waana dhibaatadii ugu balaarneed ee suuqa shaqada sweden sida ay sheegtay wasiirada shaqada Eva Nordmark oo warbaahinta kula hadashey stockholm.

ku dhawaad 42,000 kun ayaa shaqada laga ceeriyay bishii march halka bisha april 26,000 kun ay shaqadooda waayeen kuwaasi oo u badan haweenka dhalinyarada ah taasi oo ka dhigeysa in dib loogu laabto 1992 markaasi oo shaqo xumadii ugu balaarneyd ay dalka ka dhacday waxana xiligaasi gaartay tirada shaqo la’anta 22,000 kun.

Eva Nordmark ayaa shirkeeda jaraa’id ku sheegtay sidan ” in la yareeyo saacadaha shaqada waa Xalka kaliya ee shaqooyin lagu abuuri karon xiligan ”

fikirka ay soo jeedisay wasiirada ayaa ka dhigan in saacadaha uu shaqeeyo halka qof loo qeebin karo labo qof oo keeni karta shaqo abuur feecan.

Hadalka wasiirada ayaa ku soo aadaya kadib markii dowlada ay dhawaan shaacisay lacag gaareysa 180 milyan oo shaqo loogu abuurayo dhalinyarada xiliga xagaaga iyo 39 bilyan oo lagu caawinayo shirkadaha.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here